4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirweynaha maalgashiga Soomaaliya

Isniin, November, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taas oo uu sheegay in ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa xusay in dalka laga cirib tiri doono argagixisada, dalka Soomaaliyana ay ka jirto fursado maalgashi oo ballaaran.

“In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.”

Madaxweyne Maxamuud ayaa dul istaagay kobaca gancsiga iyo mashaariicda guuleystay ee ay fuliyeen dhallinyarada iyo maalgashadeyaasha Soomaaliyeed, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed sida ay hantidooda ugu soo celiyeen dalkooda, door muuqdana uga qaadanayaan horumarka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]