4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 24, 2022
Milatariga Kenya oo sheegay in ay dileen 12 dagaalame oo katirsan Al-Shabaab
 

Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay kaddib dagaallo ay ciidamada Kenya la galeen kooxda Alshabaab.

Sida lagu sheegay war qoraal ah, Milateriga Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay dileen dagaalyahannada ka dib markii ay isku dayeen in ay weeraraan xero ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya.

“Ciidanka Difaaca Kenya waxa ay dileen 12 ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay in ay weerar ku qaadaan Saldhigga Howlgalka ee tuulada Sarira ee koonfurta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay milatariga Kenya.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin un kadib markii saddex askari oo Kenyan ah iyo shan kale ay ku dhaawacmeen kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin gobolka Jubbada hoose ee Jubbaland.