3/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 23, 2022
Shirkadaha qaadka keena Laascaanood oo ku dhow in ay dagaalamaan

Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Ganacsade Maxamed Jabuutaawi Caraale, oo leh mid kamid ah shirkadaha qaadka keena magaalada Laascaanood, ayaa si adag uga soo horjeestay shirkad cusub oo uu sheegay in xukuumadu ruqsad siisay.

Shirkad uu wato nin uu magiciisa ku sheegay Sisto, oo uu sheegay in ay xukuumadu ruqsad u siisay in ay qaad Nairobi ka keento, ayuu ka dhiidhiyay, waxaanu sheegay in ay la dagaalami doonaan.

"Sisto Nairobi ayuu joogaa, berritoolana diyaarad ayuu soo rarayaa, anagana waxa uu noogu hanjabay millateriga iyo Jaamac Siyaad ha is arkeen, Sisto way is arkayaan waana nu ku qaabilaynaa" ayuu yidhi Jabuutaawi oo rag hubaysani daba taaganyihiin.

Waxa uu sheegay in markii hore shirkada Jabuutaawi iyo shirkada Ina Afdiinle, oo kali ahi jaadka keeni jireen, lakiinse loo sheegay in diyaaarado sida qaad Miiroo ah la sheegay in ay imanayaan oo ay madaxweynaha iyo badhasaabka gobolka Sool siiyeen ruqsad.

Madaxweynaha Somaliland ayuu usoo jeediyay in uu xal keeno, oo uu joojiyo ninka la sheegay in uu ruqsada u siiyay in uu qaadka keeno magaalada Laascaanood.

Sidookale, guddoomiyaha gobolka Sool ayuu kula taliyay in uu ka laabto arrimaha ganacsiga ee lagu eedeeyay in uu gacanta kula jiro, isaga oo sheegay in wax ka badan labadii shirkadood ee hore u keeni jiray anay wax ka badani magaalada qaad keeni karin.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/23/2022 9:41 AM EST
Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in marka la gaadho 26 December oo wakhtigii sharciga ahaa ee xisbiyadu ku egyahay, in xisbiga WADDANI urur noqonayo.

11/23/2022 8:54 AM EST
Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in howlgalo qorsheysan iyo duqeymo cirka ah oo ay ciidamada xoogga dalka, kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-shabaab.

11/23/2022 8:48 AM EST
Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Ugu yaraan todobo qof ayaa dhimatay kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dukaan ku yaalla magaalada Chesapeake, ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

11/23/2022 7:12 AM EST
Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cadi, ayaa xilkii ka qaaday xeer ilaaliyihii guud iyo wasiirkii horumarinta iyo maalgashiga Somaliland.

11/23/2022 4:14 AM EST
Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsana ciidanka Booliiska maamulka Koonfur Galbeed ee ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

11/23/2022 4:08 AM EST
Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay tiro ka badan 600 dagaalame oo katirsan AlShabaab in lagu dilay, sidoo kalena 1,200 lagu dhaawacay howlgallada ciidamada xooggu ku xoreeyeen in ka badan 68 deegaan.

11/23/2022 1:21 AM EST
Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay jawaab ka bixin doonto warbixintii uu Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ee sida tooska ah warbaahinta looga sii daayay.