3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo nidaamka waxbarashada dalka
 

Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaaaabad lagu xusayo Maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo ka dhacday xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana ka qeyb galay munaasabadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Tastuurka, Qaar ka mid ah Xildhibaannada labada Aqal, guddoomiyaha gobalka Banaadir, qaar ka mid ah macalinmiinta Soomaaliyeed, Ardey iyo Marti sharaf kale.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabada lagu xusaayay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii ugu adkaa ee dalku soo maray, iyaga oo usoo dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed, islamarkaana u soosaaraan jiilal tayo leh oo aasaas u ah horumarinta dalka iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed.

“Bahda waxbarashada waxaan ku biiray xilli adag oo dalka ay ka jireen duruufo qallafsan, waxaa khatar ku jiray nolashayada iyo tan ardayda, saas oo ay tahay waxaan culeysyadaas kala duwan ku ilaawi jirnay qiimaha shaqada aan qabanayno iyo rajada aan ka qabnay in ay aasaas u noqoto jiilal dadka iyo dalkaba waxtara" ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taasoo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada, waxuuna sheegay in kor loo qaadayo miisaaniyadda waxbarasha dalka, si loo horumariyo nolasha Bareyaasha Soomaaliyeed.

Maanta oo kale sanad walba waxaa gudaha Soomaaliya laga xusaa Maalinta Macalinka Soomaaliyeed, taasoo ay asteeysay dowladdi dhexe ee dalka uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre sanadka marku ahaa 1974-kii.












Click here
11/21/2022 2:07 PM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa buriyay saddex xeer oo uu Madaxweyihii hore ee Soomaaliya saxiixay, kuwaas oo lagusoo dhisay guddiga madaxa bannaan ee Dooradhooyinka, xubnaha guddiga xuduudaha iyo federaalka iyo hay’adda diiwaan galinta shaqaalaha Soomaaliyeed.

11/21/2022 7:42 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ciidamada Kenya ee ku hoos shaqeeya howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sii joogi doona Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Kenya.

11/21/2022 6:42 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ururka Saxafiyiinta dowlad degaanka Soomaalida ee fadhigiisu yahay magaalada Jigjiga ayaa doorasho ay galeen maalintii Axadda ahayd waxay ku doorteen guddoomiye cusub.

11/21/2022 5:05 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ururka Talo-wadaag, oo guddida diwaangalinta ururadu sheegeen in uu ka hadhay ururada soo baxay uu soo baxay oo uu kamid yahay ururada guulaystay.

11/21/2022 3:49 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaanka Dhurseen oo ku yaala Waqooyiga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

11/21/2022 2:05 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay simon Coveney, wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalka Ireland.

11/21/2022 1:07 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Booliska G/Banaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Xuseen Xasan Gaaboow oo lagu eedeeyay inuu faafiyay muuqaalo ku saabsan tacadiyo uu kula kacayo gabdho aan qaangaar ahayn.