6/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2022
Wasiirka Difaaca Kenya : Ciidamada Kenya waxay sii joogi doonaan Soomaaliya illaa nabadda laga soo celinayo
 

Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ciidamada Kenya ee ku hoos shaqeeya howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sii joogi doona Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Kenya.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo wareysi siiyay wargeyska Nation Africa, ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada Kenya ay gacan ka geysanayaan sidii loo tayayn lahaa ciidamada Soomaaliya.

Ducaale ayaa ballan qaaday in dowladiisa ay ku garab istaagi doonto Madaxweyne Xasan iyo shacabka Soomaaliyeed sidii dalkooda ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen.

In ka badan 4,000 askari ayaa Kenya ka jooga Soomaaliya, iyagoo ku sugan deegaannada Jubbaland.

Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa horey u sheegay in tirada ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya la dhimayo si ay qeyb uga noqdaan qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS.












Click here
11/21/2022 2:07 PM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa buriyay saddex xeer oo uu Madaxweyihii hore ee Soomaaliya saxiixay, kuwaas oo lagusoo dhisay guddiga madaxa bannaan ee Dooradhooyinka, xubnaha guddiga xuduudaha iyo federaalka iyo hay’adda diiwaan galinta shaqaalaha Soomaaliyeed.

11/21/2022 8:39 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaaaabad lagu xusayo Maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo ka dhacday xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana ka qeyb galay munaasabadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Tastuurka, Qaar ka mid ah Xildhibaannada labada Aqal, guddoomiyaha gobalka Banaadir, qaar ka mid ah macalinmiinta Soomaaliyeed, Ardey iyo Marti sharaf kale.

11/21/2022 6:42 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ururka Saxafiyiinta dowlad degaanka Soomaalida ee fadhigiisu yahay magaalada Jigjiga ayaa doorasho ay galeen maalintii Axadda ahayd waxay ku doorteen guddoomiye cusub.

11/21/2022 5:05 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ururka Talo-wadaag, oo guddida diwaangalinta ururadu sheegeen in uu ka hadhay ururada soo baxay uu soo baxay oo uu kamid yahay ururada guulaystay.

11/21/2022 3:49 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaanka Dhurseen oo ku yaala Waqooyiga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

11/21/2022 2:05 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay simon Coveney, wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalka Ireland.

11/21/2022 1:07 AM EST
Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Booliska G/Banaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Xuseen Xasan Gaaboow oo lagu eedeeyay inuu faafiyay muuqaalo ku saabsan tacadiyo uu kula kacayo gabdho aan qaangaar ahayn.