4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2022
Soomaaliya iyo Kuwait oo ku heshiiyay inay iska kaashadaan amniga iyo waxbarashada
 

Arbaco, November, 2, 2022 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Kuwait ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan amniga iyo waxbarashada, kaddib kulan ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiir Abshir Cumar Jaamac uu magaalada Algiers ee dalka Algeria kulan kula qaatay dhiggiisa Kuwait, Salem Abdullah Al-Jaber Al-Saba.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada amniga, ciribtirka Al-Shabaab iyo horumarinta waxbarashada.

Labada wasiir ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal.

Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya ayaa qeyb ah wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan dalka Aljeeriya, halkaas oo uu ka socda meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la yeeshay wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka jaamacadda Jaamacadda Carabta.