4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 18, 2022
Danjire Abuukar Baalle "Cunaqabateyntan gacmaha ayay naga xireysa xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga"
 

Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo arintaasi ay si weyn uga hortimid dowladda Fedaraalla Soomaaliya oo dalbatay in cunaqabateynta laga qaado si ay uga guul gaarto dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Qaraarkan lagu ansixiyay cunaqabateynta hubka iney sii saarnaato Soomaaliya waxaa u codeeyay 11 wadan, hayeeshee dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana aya ka maqnaa ansixinta qaraarkan.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan, Abuukar Baalle ayaa sheegay iney si weyn uga xun tahay dowladda Soomaaliya in la kordhiyo cunaqabateynta hubka ee saaran oo uu sheegay iney tahay midi ugu dheereed, isagoona sheegay in qaraarkani uu caqabad ku noqonayo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si looga hortago kooxda Al-Shabaab.

"Cunaqabateyntan gacmaha ayay naga xireysa xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga arxan laaweyaasha ah, Cadaalad darrada iyo laba wejiilanimadan waxay ka hor istaageysaa dowladda Soomaaliya inay si sharci ah u hesho qalab millatari, si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda qarankaā€¯ sidaas waxaa u sheegay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cusmaan Baalle.

Gabagabdii dowladda Soomaaliya ayaa rajo weyn ka qabtay in laga qaadi doono cunaqabateynta hubka saaran, iyadoo taageero ka heleysay Midowga Afrika, waxaana qaraarkaan uu sidoo kale kusoo beegmaya, xili dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay inta badan gobolada dalka ay ciidamada dowladda Soomaaliya kula dagaalameyeen kooxda Al-shabaab oo kasoo horjeeda jiritaanka dowladda Soomaaliya.