3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 18, 2022
Dowladda Masar oo Soomaaliya u balan qaaday taageero lagu hormarinaayo howlaha Kalluumeysiga
 

Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar kula kulmay Sayed Alqasiir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga Dowladda Masar.

Kulanka dhexmaray laba wasiir ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, islamarkaana ay isaga kaashan lahayeen dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana wasiir Sayed Alqasiir uu sheegay in Masar ay ku deeqayso Soomaaliya deeqo waxbarasho iyo tababaro u gaar ah cilmiga badaha iyo kallumeysiga, tababaro badmaaxiin ah.

Wasiir Sayed Alqasiir ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Qaarada Afrika, Masarna ay diyaar u tahay inay xoojiso xiriirka labada dal oo ay qayb weyn ka qaadato dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, si ay uga faa'ideystaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Xassan Aaden dhankiisa uga mahadceliyay dhiggiisa dalka Masar soo dhoweynta wanaagsan ee uu u sameeyay, isagoona ka sheekeeyey cilaaqaadka taariikhiga ah ee ka dhaxeeyay labada dal inuu yahay mid soo jireen ah, islamarkaana ay muhiim tahay in wadajir looga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal, wuxuuna dhigiisa Masar ka dalbaday iney kala shaqayso dowladda Soomaaliya sidii loo horumarin lahaa Kallumaysiga dalka oo loo heli lahaa Maraakiib Kallumaysi, tababaro kor loogu qaadayo tayada kalluumeysatada, iyo meelaha kalluunka lagu diyaariyo si logo iib geeyo Masar Iyo dunida inteeda kale.

Labada wasiir waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo samayn lahaa shirkad wadaag kalluumeysi (joint ventor) iyagoo ku heshiiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo sameeyo guddi farsamo oo labada dal ah, si ay u soo diyaariyaan dhinacyada la iska kaashan doono, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada beeraha Masar Iyo Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar.












Click here
11/18/2022 6:12 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo arintaasi ay si weyn uga hortimid dowladda Fedaraalla Soomaaliya oo dalbatay in cunaqabateynta laga qaado si ay uga guul gaarto dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

11/18/2022 3:20 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Dowladda Canada ayaa wada qorshe ay ku masaafurineyso ku dhawaad 500 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ay sheegtay in dalkeeda ay kusoo galeen Baasabooro wadama kale ah.

11/18/2022 2:22 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa mar uu Warbaahinta la hadlayay waxa uu sheegay in dagaalyahannadoodu aysan hubka dhigi doonin ilaa Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaaradu ka baxaan dhulka Tigray.

11/18/2022 1:05 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Mabaax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

11/18/2022 12:42 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo howlo shaqo u jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay Raysal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Serbia Ivica Dačić iyo xubno kale oo ka tirsan Gollaha Wasiiradda dalkaas oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo masuuliyiin kale.