3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 18, 2022
Dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Mabaax oo ka tirsan gobolka Hiiraan
 

Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Mabaax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka oo la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilaawday kadib markii ciidanka dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimaha Al-shabaab ay ku lahayeen deegaanka Mabaax oo u dhaxeeya degmooyinka Maqokori iyo Aadan yabaal ee gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil u hadashay ciidamada dib u xureynta deegaanka ayaa guulo ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen deegaanka Mabaax, kuwaas oo sheegay in weerarka ay ku dileen 20 ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab, islamarkaana tiro intaasi ka badan ay ku dhaawaceen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxay sheegeen in weerarka saakay ay ku burburiyeen Saldhigii ugu weynaa Kooxda Shabaab ay ku lahayeen deegaanka Mabaax oo ay sheegeen iney kooxda kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ka geystaan deegaanada hoostaga Moqokori iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan waxaa mudo ku dhaw 6 bilood ka socda dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey oo mararka qaar garab ka hela ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana dagaaladaasi Al-shabaab looga saaray inta badan deegaanada ku yaala bariga gobolka Hiiraan.












Click here
11/18/2022 6:12 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo arintaasi ay si weyn uga hortimid dowladda Fedaraalla Soomaaliya oo dalbatay in cunaqabateynta laga qaado si ay uga guul gaarto dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

11/18/2022 4:01 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar kula kulmay Sayed Alqasiir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga Dowladda Masar.

11/18/2022 3:20 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Dowladda Canada ayaa wada qorshe ay ku masaafurineyso ku dhawaad 500 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ay sheegtay in dalkeeda ay kusoo galeen Baasabooro wadama kale ah.

11/18/2022 2:22 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa mar uu Warbaahinta la hadlayay waxa uu sheegay in dagaalyahannadoodu aysan hubka dhigi doonin ilaa Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaaradu ka baxaan dhulka Tigray.

11/18/2022 12:42 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo howlo shaqo u jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay Raysal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Serbia Ivica Dačić iyo xubno kale oo ka tirsan Gollaha Wasiiradda dalkaas oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo masuuliyiin kale.