4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 16, 2022
Xisbiga WADDANI oo eedaymo cul-culus u jeediyay xukuumada Somaliland

Arbaco, November, 16, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa 5-tii sanno ee uu madaxweyne Biixi xilka hayay ku tilmaamay qaar lagu xasuusan doono xadhig, cabudhis, iyo qaybsanaan bulsho.

Xogeeyaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, oo warbaahinta la hadlay, ayaa 5-tii sanno ee ay xukuumada Kulmiye jirtay ku sifeeyay 5 sanno oo aragti la'aan iyo qorshe la'aan ka turjumaya.

"Waxa inoo dhamaaday 5 sanno oo muran ah, 5 sanno oo xadhig iyo cabudhin ah, 5 sanno oo hay'adihii dowlada ee lagu wareejiyay ay daciifeen, 5 sanno oo garwoshiyo la'aan ah, 5 sanno oo qaybsanaan ah, 5 sanno oo aragti la'aan ah, 5 sanno oo qorshe la'aan ah" ayuu yidhi Khadar.

Waxa uu sheegay in qorshe la'aanta xukuumada ku tusayso in wasaaradihii ay intay galaan mareegaha dowlado kale ay soo qaadanayaan siyaasado shisheeye, saga oo uga jeeda wasaarada caafimaadka oo la sheegay in ay soo qaadatay siyaasada dowlada Sri lanka ee ku aadan xumada Dangi.

Madaxweynaha ayuu ku tilmaamay in uu yahay shakhsi dagaaladii uu galay ay maskaxdiisa wax yeeleen, oo isku haysta in uu wali jabhadyahay, isla markaana aan u dhaqmayn sidii qof masuula ee u dhaqmaya sidii qof jabhad ah oo kale, isaga oo sheegay in uu ergo kasta diiday.

Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo isna warbaahinta la hadlay, ayaa eedaha mucaaradka xukuumada ka difaacay, isaga oo sheegay in mucaaradku ay kala qaybiyeen bulshadii Somaliland, oo mudadii uu madaxweyne Biixi joogay ay shacabka qabyaalad, muran iyo cunfi ku abuureen, isaga oo sheegay in muddo kordhinta aan laga laaban doonin.

Mucaaradka iyo xukuumada ayaa isku maan dhaafsan ta soo horaynaysa doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada, iyadoo wada-hadalo la filayay in ay bilaabmaan ay burbureen kadib markii axsaabta mucaaradku ay madaxweynaha kalsoonidii kala noqdeen.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]