4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 16, 2022
Wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya oo heshiis kalluumaysi la gashay shirkad laga leeyahay China

Arbaco, November, 16, 2022 (HOL) - Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda xukuumadda Soomaaliya, Ahmed Hassan Aden ayaa heshiis is afgarad ah la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang Liang, heshiiskaas oo wasiirku sheegay in lagu maal galinayo kalluumeysiga dalka.

Heshiiskan oo waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa dhigaya in shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) ay hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, inay maalgalin xooggan ku sameyso wax soosaarka kalluunka Tuunaha kaasoo ah kalluun xilliyeed guur guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta hindiya, iyo in Maraakiibta shirkaddan la siiyo ruqsado kalluumeysi iyada oo loo marayo habraacyada sharci ee kalluumeysiga dalka.

Munaasabadda saxiixa heshiiska oo ay goob joogayaal ka ahaayeen khuburo kalluumeysi iyo wakiillada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding(group), ayuu wasiirka kalluumaysigu sheegay in kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda Soomaaliya uu ka mid yahay tiirarka ugu horreeya ee qorshaha xukuumadda Soomaaliya

Wasiirka kalluumaysiga ayaa ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo kalluumeysiga sharci darrada ah isagoo digniin u diray dalalka ay maraakiibtoodu sifada aan sharciga ahayn ku soo galaan biyaha dalka, gaar ahaan maraakiibta jiriifka oo waxyeelo wayn u geysta xeebaha dalka.