4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 16, 2022
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Arbaco, November, 16, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Delft oo ka mid ah deegaannada hoostaga magaala xeebeedka Cape Town, ayaa sheegaya in halkaasi xalay kooxo hubeysan oo burcad koonfur Afrikaan ah ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed.

Allah u naxariistee muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Afrah, ayaa lagu dhex dilay gudaha goobtiisa ganacsi.

Burcada geysatay dilka ayaa baxsatay ka hor inta aysan goobta imaanin ciidanka booliska, balse wax natiijo ah kama soo bixin baaritaanka ciidanka.

Dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta loogu dilaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi u ganacsi tagtay, iyadoo dowladda dalka Koonfur Afrika ay mar waliba sheegto in ay wax ka qabaneyso dilalka iyo dhaca loo geysto ganacsatada Soomaalidda, hayeeshee aysan jirin talaabo wax-ka-qabasho muuqato ah oo ay qaaday dowladda Koonfur Afrika.