4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 15, 2022
Ururada Siyaasada Somaliland oo ku dhawaaqay go'aamo ay gaadheen
 

Talaado, November, 15, 2022 (HOL) - Ururada cusub ee siyaasada Somaliland, ayaa ku dhawaaqay qodobo ay kamid tahay in anay aqbalayn, wada-hadalo kasta oo dhexmara madaxweynaha iyo mucaaradka oo anay qayb ka ahyn.

Waxay sheegeen in marxalada hada la joogo, ay la xuquuq yihiin saddexda xisbi, ee hada jira, isla markaana anay aqbalayn wada-hadal kasta oo siyaasadeed oo anay qayb ka ahayn.

"Waxaanu ku baaqaynaa in wixii khilaaf siyaasadeed ah ee jira ay ka wada-hadlaan, daneeyayaasha siyaasada ee kala ah, saddexda xisbi qaran, 9-ka urur siyaasadeed, xukuumada iyo guddida doorashooyinka qaranka, marxaladan la marayo ururada siyaasadu waxay leeyihiin xuquuq la siman mida saddexda xisbi, ee liisankoodu ku egyahay 26/12/2022, mana aqbalayno wadahadal siyaasadeed oo anaan daraf ka ahayn".

Waxay ka hor yimaadeen doonista mucaaradka iyaga  oo sheegay in doorashada ugu horaysa ee qabsoomi kartaa ay tahay ta ururada siyasaada marka sharciga loo noqdo, taasi oo ay kusoo bixi doonaan saddex xisbi oo cusubi.

"Si waafaqsan qodobka 9aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland iyo qodobka 5aad ee xeer 14/2011, doorashada ugu soo horaysa ee dalka ka dhici kartaa, waa doorashada ururada iyo xisbiyada, ee ay kasoo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee waddanku yeelan doono 10-ka sanno ee soo socda".

Urur siyaasadeeda Somaliland waxay sharci daro ku tilmaameen go'aankii ay axsaabta mucaaradku kalsoonida kagala noqdeen xukuumada iyaga oo sheegay in xukuumada hada joogtaa uuni xilka sii haynayso ilaa oo la helayo mid kale oo doorasho ku badasha.

Hoos ka akhriso qodobada ay soo saareen ururada siyaasadu oo intan ka badan:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]