4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 14, 2022
Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay xariga Mustafa Cali Caanood oo caan ka ahaa baraha Bulshada
 
Isniin, November, 14, 2022 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay xireen Wadaadka lagu magacaabo Mustaf Cali Caanood oo si weyn looga yaqaano baraha Bulshada, kaasoo dowladda ay ku eedeysay inuu faafiyo aragtida waxa loogu yeero xagjirka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wadaadka ciidanka Nabadsigida ay soo xireen Mustafa Cali Caanood uu ahaa shaqsi si weyn u faafin jiray fikradaha kooxda Al-shabaab.

Hawlgalka lagu soo qabtay Mustafa Caanood ayaa Xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana la sheegay in lasoo qabtay xili uu isku dayay in uu ka baxsado ciidamada amniga, sida lagu sheegay Warsaxafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Warsaxafadeedka dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegtay in fariimiha wadaadkan uu jeedin jiray ay ahaayeen kuwa loogu talo galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed, hayeeshee sharciga la horgeeyn doona Mustaf Cali Caanood si loogu soo oogo dembiyada lagu eedeyay ee ah faafinta fikradaha kooxda Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Waraaxafadeedka oo dhameystiran:-