4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 14, 2022
Maxamed Cabdi Waare: Waxaa muuqata in xoogag madaw oo ku sugan gudaha iyo dibadda ay halis gelinayaan dagaalka Khawaarijta
 

Isniin, November, 14, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay ka bixitaankii ciidamada xoogga dalka ee deegaanka Wabxo, iyo dagaal beeleedka Cadale ay halis gelinayaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.

“Waxaa muuqata in xoogag madaw oo ku sugan gudaha iyo dibadda ay halis gelinayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta,” ayuu yiri madaxweyne hore Waare, farriin uu soo dhigay Twitter-ka.

Waare waxa uu sheegay inay tahay arrin murugo leh iyo sir muuqata oo la isaga horkeenayo ciidamada dagaalka kula jira kooxda Alshabaab, si buu yiri loo joojiyo howlgalka socda.

Labo maalin ka hor ayay ahayd markii madaxweynihii hore ee Hirshabeelle uu soo dhoweeyay xoreynta deegaanka Ceelbaraf oo kuyaala gobolka Shabeellada dhexe.

Waxa uu ku tilmaamay guul muhiim ah oo laga gaaray dagaalka lagula jiro wuxuu ugu yeeray Khawaarijta. Wuxuu sidoo kale rajo weyn ka muujiyay inay ku xigidoonto Aadan Yabaal.