4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 13, 2022
Japan oo ku yaboohday 14 milyan oo Yuuro si ay Soomaaliya ugu dhoofiso badarka Ukraine
 

Axad, November, 13, 2022 (HOL) - Dowladda Japan ayaa sheegtay ilaa 14 milyan oo Yuuro ay ugu talagashay gargaar deg deg ah oo loogu talagalay dhoofinta badarka  laga keeno dalka Ukrain ee loo dhoofinayo Soomaaliya, si loo yareeyo cunno yarida ka jirta Soomaaliya.

Safaaradda Japan ee Ukraine ayaa qoraal ay soo dhigtay Facebook ku sheegtay in kaalmadan ay soo marsiin doonto hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP, taasoo mas'uul ka noqon doonta qaybinta raashinka

Bishii Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa ku dhawaaqday in 50,000 oo tan oo hadhuudh ah ay u soo daabulayso Itoobiya iyo Soomaaliya.

“Japan, oo xiriir dhow la leh wadamada isku fikirka ah, waxay sii wadi doontaa inay taageerto wadamada ka walaacsan dhibaatooyinka cuntada ee sii xumaanaya ee ah kor u kaca qiimaha cuntada, sida sarreenka, “ayaa lagu yidhi war kasoo baxay safaaradda Japan ee Ukraine.

Japan waxay sidoo kale sheegtay inay Soomaaliya ka taageerayso hawlaha la dagaallanka argagixisada, iyo sidoo kale hagaajinta xaaladaha bani'aadamnimada ee dalka.