4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 11, 2022
Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan S.erbia oo la kulmay rayal wasaare ku xigeenka Serbia

Jimco, November, 11, 2022 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan dalka Serbia, danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia Mudane Ivica Dačić.

Kulankan ayay Danjire Maxamed Cabdullaahi iyo Mudane Ivica kaga wada hadleen xoojinta Xiriirka ka dhexeeya Labada dal, Fursadaha Ganacsi iyo sida ay Ganacsatada labada dal uga faa’iideysan lahaayeen.

Waxay sidoo kale Inta uu kulanka socday kaga wada hadleen Iskaashiga labada dal sida iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo cilmiga farsamada.

Bishii june ee sannadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić uu warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Serbia Maxamed Cabdullahi Axmed.