4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 11, 2022
Dowladda Soomaaliya oo dalka Imaraatka u qaadday 9 kamid ah dhaawacyadii Qaraxii Soobe

Jimco, November, 11, 2022 (HOL) - Wasiirka caafimaadka xukuumada Soomaaliya, Dr Cali Xaaji ayaa sheegay in maanta 9 kamid ah dhaawacyadii Qaraxii Soobe loo qaaday dalka Imaraatka Carabta, si xaaladdooda caafimaad loogusoo dabiibo.

Wasiirka caafimaadka oo ka qeyb galayay barnaamijka todobaadka ee warbaahinta dowladda, ayaa ka sheegay in guddiga gurmadka qof kaste oo kamid ah dhaawacyada loo qebiyay labo kun oo dollar.

Dr Cali Xaaji wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya inay xil weyn iska saartay in qof kaste oo qabay dhaawac culus dalka dibbadiisa loo qaado, iyadoo taageero laga helayo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in qof kasta oo dibadda loo qaaday ay soo gudbinayeen isbitaalada magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay iyagu garanayeen qofkii xaaladdiisu culus tahay oo u baahan in dibbada loo qaado.

Wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale sheegay in guddiga gurmadka qaraxii Soobe ay maanta billaabeen qeybinta dhaqaale loogu talo galay dadkii ku dhaawacmay qaraxa Soobe iyo qoysaska dadka ku geeriyooday Qaraxa.