4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2022
22 Musharax oo Farmaajo uu ku jiro oo Maanta isku diiwaan galiyay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
 

Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Iyadoo maalintii labaad ay ka socoto magaalada Muqdisho diiwaan galinta Musharaxiinta dooneysa xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa waxaa sii kordhaya tirada Musharaxiinta is diiwaan galineysa.

Waxaa Shalay oo maalintii koowaad aheyd is diiwaan galiyay 10 musharax oo kala ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdinuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.

Maanta oo aheyd maalintii labaad ee diiwaan galinta musharaxiinta madaxweynaha waxaa is diiwaan galiyay 22 Musharax oo ay ka mid yihiin madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynahii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharaxiinta kale ee maanta is diiwaan galiyay waxay kala yihiin, Dr. Saciid Ciise Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Muqtaar Maxamed Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Jamaal Axmed Ibraahim, Maxamuud Daahir Aweys, Ridwaan Xirsi Maxamed, Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiqi, Nucmaan Sheekh Cumar, Jibriil Ibraahin Cabdulle, Xuseen Cabdi Nuurow, Cabdiqaadir Xuseen Maxamed Jahweyn, Cabdiqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Cabdulaahi Axmed Cali Gees, Cabdi Aadan Hoosow, Cabdi Maxamed Baqdaadi, Abuukar Aadan Cabdulle iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah haweeneyda kaliya ee xilka madaxweynaha tartankiisa u taagan.

Musharaxiinta ayaa lagu xiray shuruudo ay ka mid yihiin inay bixiyaan lacag is diiwaan gelin ah waxaa tirada maanta ilaa shalay is diiwaan galisay ay gaartay 32 Musharax oo midkiiba laga qaaday lacag gaareysa $40,000, taasoo wadarta lacagta guud ee laga qaaday Musharaxiinta is diiwaan galisay ka dhigeysa hal Milyan laba boqol iyo sideetan kun oo doolar.

Diiwaan galinta Musharaxiinta madaxweynaha ayaa ku eg maalinta berito 04:00 galabnimo xiliga Soomaaliya sida ay shaaciyeen guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lagu wada in doorashada ay dhacdo 15-ka bishaan May oo ku beegan todobaadka soo socda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online