9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2022
Madaxwayne Biixi: Dhowr iyo afartan waddan oo Afrikan ah ayaanu codsiyo u dirnay
 

Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay dadaal badan galisay xoojinta siyaasada arrimaha dibadda Somaliland, isla markaana guulo laga gaadhay.

Biixi ayaa sheegay in sannadkii hore uu ahaa sannad ay Somaliland gaadhay guulo badan oo siyaasadeed, isla markaana ay xukuumadiisu dadaal badan galisay sidii dowlado badan oo caalam ka ah loo gaadhsiin lahaa qadiyada madaxbannaanida Somaliland.

"Sannadkii dhamaaday waxa uu ahaa sannad hoodo u leh siyaasada arrimaha dibaadda Somaliland, waxaana raacay dadaal badan oo ay xukuumadu galisay iyo in ay qaranka Somaliland usuu bandhigto dowlado badan oo adduunka ah, taasi oo keentay natiijo wax ku ool ah" ayuu yidhi Biixi.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in xukuumadiisu ay muhiimad wayn siinayso waddamada qaarada Afrika, isla markaana ay in kabadan afartan dal oo Afrika ku yaala ka codsadeen in ay ka caawiyaan sidii qadiyada madaxbannaanida loo horgayn lahaa golaha Midowga Afrika.

"Afrika dhowr iyo afartan dal ayaanu gaadhsiinay codsiyo ah in ay Somaliland ka caawiyaan sidii qadiyada qaranimada Somaliland loo gaadhsiin lahaa golaha Midowga Afrika" ayuu yidhi Biixi. Waxa kale, oo uu sheegay in ay sidookale dadaal badan galiyeen sidii fartiinta Somaliland loo gaadhsiin lahaa waddamada Carabta.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in ay xoojiyeen xidhiidhka waddamada jaarka, ayna abuureen guddiyo wasiiro ah oo ka shaqaynaya horumarinta xidhiidhka jaarka. Waxa uu intaa ku daray in natiijooyinka ka dhashay safarkisii Maraykanka dhawaan la arki doono.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online












Click here
5/9/2022 1:52 PM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray habraaca amniga doorashada madaxweynaha goobta ay ka dhaceyso oo ah Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

5/9/2022 11:09 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa qudbad sannadeedka madaxweynaha Somaliland uu u jeediyay labada gole baarlamaan ku tilmaamay qudbad aan nuxur badan lahayn.

5/9/2022 11:03 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Iyadoo maalintii labaad ay ka socoto magaalada Muqdisho diiwaan galinta Musharaxiinta dooneysa xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa waxaa sii kordhaya tirada Musharaxiinta is diiwaan galineysa.

5/9/2022 9:47 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo qudbad sannadeedkii dastuuriga ahaa u jeediyay baarlamaanka, ayaa isaga oo ka jawaabaya shakiga mucaaradku ka qabaan in uu muddo korodhsi samaysto, ayaa balan qaaday in uu doorashooyinka wakhtigooda ku qabanayo.

5/9/2022 8:32 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa ururka Somalia Debates u fasaxday inay qabsadaan dooddaha musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

5/9/2022 7:07 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Maxkamadda Ciidanka Millatariga Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa ciidanka millateriga oo toogasho ku dilay gabadh la odhan jiray Najma Cabdillaahi Maykal.

5/9/2022 6:57 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Xildhibannadii lagusoo doortay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa ka hor yimid go’aankii kasoo baxay guddoomiyaha barlamaanka, kaasoo xildhibaannada Ceelwaaq u aqoonsaday inay yihiin kuwa saxda ah ee sharciga ku yimid.

5/9/2022 6:20 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqondoonta haweeneyda Soomaaliyeed ee ugu horreysay ee u tartami doonta xilka madaxweyna Soomaaliya.

5/9/2022 5:59 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa kordhiyay feejignaantooda kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada midowga Afrika ee Burundi ay ku lahaayeeen gobolka Shabeelada dhexe.

5/9/2022 2:55 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Waxaa Maalintii labaad si toos ah uga socota xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya diiwaan galinta Musharaxiinta u taagan tartanka madaxweynaha Soomaaliya.

5/9/2022 12:33 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu mar kale u sharraxan yahay xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.