9/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2022
Madaxweynaha Somaliland oo balanqaad ka sameeyay qabashada doorashooyinka
 

Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo qudbad sannadeedkii dastuuriga ahaa u jeediyay baarlamaanka, ayaa isaga oo ka jawaabaya shakiga mucaaradku ka qabaan in uu muddo korodhsi samaysto, ayaa balan qaaday in uu doorashooyinka wakhtigooda ku qabanayo.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Somaliland lagu ma jeerto doorashooyinka, isla markaana loo baahanyahay in doorashooyinka lagu qabto wakhtigii loo asteeyay, iyo in xisbiyadu anay muddo dhaafin.

"Somaliland waxaa lagu majeertaa doorashooyin xor iyo xalaal ah, taasina waxay inooga baahantahay in doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigii loo asteeyay, in xisbiyada qaranka oo ah hilinka muwaadiniintu u marayaan xaqiijinta hankooda siyaasadeed ay noqdaan kuwo ku dhisan sharci, oo aan muddo dhaafin" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay in talo laga yeesho, sidii loo maarayn lahaa doorashada madaxtooyada iyo doorashada urrurada siyaasada oo labadooduba ku astaysan in ay qabsoomaan dhamaadka sannadkan 2022.

"Sannadkan waxaa inagu soo fool leh laba arrimood oo isasa saaran, 10 kii sanno ee xisbiyada oo dhamaanaya December iyo doorashadii madaxtooyada oo ku beegan November, waxa qaran ahaan inoo taala labada sidaynu u maarayn lahayn, si wada jir ah" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan, uu xilka qabashada doorashooyinku isaga saaranyahay, waxaanu balan qaaday in ay ka go'an tahay in uu wakhtigooda ku qabto dhamaan doorashooyinka soo socda.

"Xukuumad ahaan xilka koowaad anaga ayuu na saaranyahay, anagana waxaa naga go'aan ah si kastaba awoodayada intay gaadhayso labada doorasho sida ay yihiin in ay inoogu hirgalaan, wayo waxaa ku jirta aaminaada dadka in ninka kursiga joogaa aanu wax dib usii jiidin" ayuu yidhi Biixi.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa xukuumada ku khilaafsan  in doorashada ururrada siyaasada la qabto kahor doorashada madaxtooyada, iyaga oo ku doodaya in madaxweynuhu uu doonayo in uu muddo kordhin samaysto.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online












Click here
5/9/2022 1:52 PM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray habraaca amniga doorashada madaxweynaha goobta ay ka dhaceyso oo ah Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

5/9/2022 11:09 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa qudbad sannadeedka madaxweynaha Somaliland uu u jeediyay labada gole baarlamaan ku tilmaamay qudbad aan nuxur badan lahayn.

5/9/2022 11:03 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Iyadoo maalintii labaad ay ka socoto magaalada Muqdisho diiwaan galinta Musharaxiinta dooneysa xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa waxaa sii kordhaya tirada Musharaxiinta is diiwaan galineysa.

5/9/2022 10:38 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay dadaal badan galisay xoojinta siyaasada arrimaha dibadda Somaliland, isla markaana guulo laga gaadhay.

5/9/2022 8:32 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa ururka Somalia Debates u fasaxday inay qabsadaan dooddaha musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

5/9/2022 7:07 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Maxkamadda Ciidanka Millatariga Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa ciidanka millateriga oo toogasho ku dilay gabadh la odhan jiray Najma Cabdillaahi Maykal.

5/9/2022 6:57 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Xildhibannadii lagusoo doortay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa ka hor yimid go’aankii kasoo baxay guddoomiyaha barlamaanka, kaasoo xildhibaannada Ceelwaaq u aqoonsaday inay yihiin kuwa saxda ah ee sharciga ku yimid.

5/9/2022 6:20 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqondoonta haweeneyda Soomaaliyeed ee ugu horreysay ee u tartami doonta xilka madaxweyna Soomaaliya.

5/9/2022 5:59 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa kordhiyay feejignaantooda kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada midowga Afrika ee Burundi ay ku lahaayeeen gobolka Shabeelada dhexe.

5/9/2022 2:55 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Waxaa Maalintii labaad si toos ah uga socota xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya diiwaan galinta Musharaxiinta u taagan tartanka madaxweynaha Soomaaliya.

5/9/2022 12:33 AM EST
Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu mar kale u sharraxan yahay xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.