4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta Kulamo la kala qaatay Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Danjiraha Imaaraadka Carabta

Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa tan iyo markii la shaaciyay xiliga ay qabsoomeyso doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya waxa uu magaalada Muqdisho ka waday kulamo gooni gooni ah oo uu ku dardar galinaayo howlaha doorashada madaxweynaha dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Maanta kulamo gaar gaar ah hoygiisa kula kala yeeshay Wakiilka Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan iyo Safiirka Imaaraadka Carabta Mohamed Ahmed Alhammadi.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Wakiilka Xogayaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa ka wada hadlay dhameystirka doorashada inta ka dhiman iyo sidii ay ugu soo gabagabobi laheyd jawi xasiloon.

Wakiilka Xoghayaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa u sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka in Qaramada Midoobay ay diyaar u la tahay in guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, iney ka gacan siiyaan sidii ay howlaha doorashada si guul ah ugu soo dhamaan lahayd.

James Swan ayaa ku bogaadiyay magacaabista deg dega ah ee guddiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha iyo ku dhawaaqista jadwalka doorashada ee ah in la qabanayo doorashada Madaxweynaha 15-ka bishaan May.

Kulankaan dhexmaray guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xogayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xili saacado kooban ka hor ay kulan wada yeesheen Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Ahmed Al Hammadi, kaaso guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu sheegay inuu dalkiisa uga sido dhambaal hambalyo ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhankiisa guddoomay hambalyada ayaa Safiirka Imaaraadka Carabta kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaalada horumarineed ay dalka ka wadaan iyo sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online