3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2022
Khilaaf ka dhexeeyay xukuumada Somaliland iyo Dowlada Hoose ee Hargaysa oo lasoo afjaray
 

Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland iyo Dowlada Hoose ee Hargaysa, ayaa ka heshiiyay khilaaf ka dhashay guddiyo is khilaafsan oo labada dhinac u kala magacaabeen dib u dhiska suuqa Waaheen.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay ka tanaasulaan guddiyadii ay hore u magacaabeen, oo ay sameeyaan hal guddi oo ka kooban 5 qof oo kala ah Maxamuud Cabdi Cilmi, Eng: Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), Eng: Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Eng: Aadan Jaamac Xadi (Mideeye) iyo Eng: Ciise Yuusuf Xamari.

Shaqada guddida ayaa noqon doonta dib u dhiska iyo hagaajinta suuqyada magaalada Hargaysa oo uu suuqa Waheen kow ka yahay, sida maayar Cabdikariin Axmed Mooge sheegay.

"Waajibaadka guddida waxaa kamid ah, howlgalinta iyo hagida injineerada iyo xirfadlayaasha barnaamijka heer qaran iyo heer caalami, urrurinta, isku dubaridka, qiimaynta afkaarta iyo aragtiyaha hal abuurka aqoonyahanka kala duwan ee dib u dhiska suuqa,  dajinta qorshe howleed cad ee dib u dhiska suuqa Waaheen iyo dib u habaynta suuqa Gobonimo" ayuu yidhi Mooge.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryaynta Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa isn dhankiisa sheegay in wax dhibaato ahi anay jirin "Waxa woxogaa jaha wareer ahi ku yimid labada warqadood ee soo kala baxay 24 iyo 30 kii bisha, si umada Somaliland tashuushkaasi uga baxo, waxaanu maanta garanay in aanu anaga oo dhamaystiran, in wax dhibaato oo jirta anay jirin isfahana uu jiray marka horeba".

Khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa soo bilaabmay horaantii bishii Abril, markaasi oo laysku khilaafa cida iska leh masuuliyada maamulka dib u dhiska suuqa, inkasta oo labada dhinac midna aanu si toos ah uga hadal khilaafka jiray.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online












Click here
5/7/2022 3:23 PM EST
Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - 26 musharrax oo Soomaali-Britian ah ayaa ku guuleysatay doorashooyin golaha deegaanada ee dalka Britain. Waana markii ugu horeysay taariikhada dalka Britain oo tiro intaa la eg oo ka soo wadada jeeda Soomaali

5/7/2022 12:11 PM EST
Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray sharuudaha looga baahan yahay Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

5/7/2022 10:01 AM EST
Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa tan iyo markii la shaaciyay xiliga ay qabsoomeyso doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya waxa uu magaalada Muqdisho ka waday kulamo gooni gooni ah oo uu ku dardar galinaayo howlaha doorashada madaxweynaha dalka.

5/7/2022 7:38 AM EST
Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - DR. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ah siyaasi iyo dhakhtar caan ka ah Somaliland oo 4, April, 2021 ku dhawaaqay in uu siyaasada ka fadhiistay, ayaa ku dhawaaqay in uu furanayo urrur siyaasadeed.

5/7/2022 7:22 AM EST
Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Barlamaanka maamulka Puntland ayaa rajo xumo ka muujiyay dadaallo lagu doonayay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex taagan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

5/7/2022 5:06 AM EST
Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cismaan Abokar Dubbe ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Federaalka Itoobiya Dr Legesse Tulu oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo iskaashiga warbaahinta.

5/7/2022 4:58 AM EST
Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa Xalay gudaha magaalada Baledweyne dil ugu geystay askari ka tirsanaa ciidanka Militariga Dowladda Soomaaliya.

5/7/2022 3:35 AM EST
Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga baddelo nidaamka sanadihii lasoo dhaafay loo maamulayay labada heer ee horyaalka kubadda cagta Soomaaliya.

5/7/2022 2:44 AM EST
Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ku sugan deegaanada Ceelbaraf iyo Miirtaqwa oo hoos yimaada degmada mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa halkaasi ka bilaabay howlgalo ay ku xaqiijinayaan amaanka deeganada ay ku sugan yihiin.