4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2022
Somaliland: Siyaasi hore siyaasada uga fadhiistay oo urrur siyaasadeed furtay
 

Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - DR. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ah siyaasi iyo dhakhtar caan ka ah Somaliland oo 4, April, 2021 ku dhawaaqay in uu siyaasada ka fadhiistay, ayaa ku dhawaaqay in uu furanayo urrur siyaasadeed.

Gaboose ayaa sheegay in duruufo jira awgeed uu siyaasada dib ugu soo laabtay, waxaa uu sheegay in wacyiga bulshadu is badalay isla markaana uu tixgalinayo shacbiga oo uu sheegay in ay isaga dareen gaar ah u hayaan.

"Inkasta oo aan horay ugu dhawaaqay in aan ka fadhiistay siyaasada, hadana, markaan qiimeeyay waayaha dadkayga iyo dalkaygu marayaan, iyo in wacyiga bulshadu soo korayo, tixgaliyayna dareenka dadkaygu ii hayo, waxaa khasab igu noqotay in aan kusoo laabto masraxa siyaasada" ayuu yidhi DR. Gaboose.

Gaboose ayaa ku dhawaaqay in isaga iyo rag kale oo aqoonyahano ahi, ay ku midoobeen urrur la magacbaxay Barwaaqo, isla markaana ay dhawaan si rasmi ah u daah furi doonaan.

"Waxaa aniga iyo aqoonyahan kale oo ka faa'iidaysanaya fursadan, oo aanu in badan sugaynay go'aansanay in aanu urrur siyaasadeed la magacbaxay Barwaaqo dhawan ka daah furi doono gobolada dalka si gooni gooni ah" ayuu yidhi DR. Gaboose.

DR. Gaboose oo urrur Qaran la odhan jiray uu ka fashilmay xiligii xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin, ayaa sidookale sannadkii 2012 furtay urrur siyaasadeed lagu magacaabi jiray Umada, kaasi oo ka qayb galay doorashadii tartanka urrurada ee xiligaas, lakiinse nasiibku ma saacidin oo kuma guulaysan in urrurkiisii kamid noqdo saddexdii xisbi ee kusoo baxay codbixintii qabsoontay 28, November, 2012 oo ay kusoo baxeen Kulmiye, Waddani iyo UCID.

Gaboose ayaa xiligii uu siyaasada ka fadhiistay ku sababeeyay in aanu awoodiisa jidh ahaaneed awgeed hogaamiye noqon karin, isla markaana uu siyaasadii iyo dhakhtarnimadiiba si rasmi ah uga fadhiistay, taa badal keedana inta cimrigiisa ka hadhay uu ku dhamaysan doono, cibaado iyo taakulaynta dadka taagta daran.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online