4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2022
Maxaa ka jira in diyaarad laga leeyahay Soomaaliya ay ka degtay Israaiil?
 

Talaado, May, 31, 2022 (HOL) - Diyaarada Halla Airlines Boeing 737-200, oo uu leeyahay ganacsade Soomaaliyeed, oo lagu magacaabo Ibraahim Hilowle, ayaa lagu arkay iyadoo ka dagaysa garoonka Ben Gurion Airport ee dalka Israaiil.

Waa markii koowaad ee ugu horraysay taariikhda, diyaarad Soomaali ah inay ka degto magaalada Tel Aviv ee dalka Israaiil, iyado uusan jirin wax cilaaqaad ah oo ka dhaxeeya labada dal.

Mulkilaha diyaaradan oo la hadlay VOA Somali ayaa sheegay in diyaaradu ka degtay magaalada Tel Aviv, iyada oo ka diiwaan gashan dalka Kenya islamarkaana ay halkaas u qaaday dad rakaab ah oo u socday dalkaas.

Ibraahim Hilowle wuxuu sheegay diyaaradiisa inuu ka kiraystay duuliye, sidaasna ay ku tagtay dalka Israaiil, iyadoo sii martay dalal kale sida Nayjeeriya iyo Masar.

Wuxuu sheegay wararka baraha bulshada lagu qoray inay been abuur yihiin, diyaaradiisuna ay ka diiwaan gashan tahay dalka Kenya, isagoo intaas ku daray haddii ay Soomaaliya ka diiwaan gashan tahay in aanay awood u lahayn inay duulimaad ku tagto Israaiil.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]