4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2022
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo iska fogaysay eedaymo loosoo jeediyay oo ku saabsan Sicir bararka
 

Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdulqaadir Rashiid oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo ay mucaaradka degaanku usoo jeediyeen xukuumadda, oo la xiriira arrimaha Sicir bararka ee ka jira degaanka Soomaalida.

Wasiirku waxa uu beeniyay hadallada kasoo yeeraya mucaaradka ee ah in lacago la lunsaday, oo lacago laga bixiyay degaanka, wuxuuna yiri " Cidda sheegaysa in musuq jiro, in lacago degaanka laga tallaabiyay oo gawaadhi lagu qaaday waa dacaayadaad aan sal iyo raad toona lahayn".

Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in mucaaradku ay si kale u fasirteen hadal hadda ka hor xukuumadda degaanka kasoo baxay, oo la xiriiray xakamaynta Sicir bararka oo loo dhigay in si guud xukuumaddu aysan waxba uga qaban karin Sicir bararka, balse ay ahayd dowladdu asbaabta keentay Sicir bararka waxba kama qaban karto.

"Dollarku inuu kaco maxakamayn karno oo gacanta kuma hayno, in Shidaalku qaaliyoobo gacanta kuma hayno, laakiin sababaha keenay Sicir bararka anagoon xakamayn karin ayaa waxaan ku dadaalaynaa inaan bulshadayada u gurmano, anagoo mar walba ku jirna la tacaalidda hab nololeedka bulshada, si loogu saleeyo jawi ku haboon nolosha" ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta DDS C/qaadir Rashiid.

Dhinaca kale Wasiirku waxa uu beeniyay wararka sheegaya in shirkii lagaga hadlayay Sicir bararka, loo diiday Warbaahinta madaxa banaan inay ka qayb galaan oo ay shirka soo tabiyaan, wuxuuna sheegay in shirkaas loo fasaxay Warbaahinta madaxa banaan, aysana jirin warbaahin si gaar ah loogu diiday inay shirka ka qayb galaan oo ay soo tabiyaan.

Ugu dambayn Wasiirku waxa uu sheegay in degaanka Soomaalidu uusan lahayn wax soosaar dhulka lagala soo baxo, dadkuna ay ku tiirsan yihiin waxa dibadda uga yimaadda oo mar walba saamayn kuleh Sicir bararka, waana midda keentay ayuu yiri Wasiirku in degaanku uu Itooboyada kale kaga duwanaado dhinaca Sicir bararka, maadaama degaannada kale ee Itoobiya ay isticmaalaan dadkoodu wax soosaarka beeraha sida Daafida iyo wixii lamid ah.

Degaanka Soomaalida ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka jiray Sicir barar qof walba halkiisa ugu tagay, iyadoo xukuumadduna ay dhankeeda ka waddo dadaallo wax lagaga qabanayo saamaynta ka dhalan karta Sicir bararka.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]