4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Dowladda ee Soomaaliya

Talaado, May, 3, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan la qaatay Maanta dhamaan Taliyeyaasha iyo Saraakiisha sare ee ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ayaa looga hadlay arrimaha amniga doorashooyinka dalka iyo ineysan ku dhex milmin ciidanka arrimaha siyaasadda.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Saraakiisha ciidanka faray in amniga doorashada ay kaga amar qaataan gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxalada kala guurka ah ilaa uu dalka ka yeelanayo Madaxweyne.

Kulanka uu Maanta guddoomiyaha Golaha Shacabka la yeeshay taliyeyaasha iyo saraakiisha sar sare ee ciidanka Qalabka sida waxaa ka qeyb galay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Xasan Xijaar oo dhawaan shaqo joojin uu ku sameeyay wasiirka amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Kulankaan ayaa imaanaya xili taliyeyaasha ciidanka qalabka sida ay ahayeen mudooyinkii dambe kuwo lagu eedeynayay iney ku dhex milmeen siyaasadda, wuxuuna kusoo beegmaya kulankaan iyadoo Maalmaha soo socda lagu wado in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online