4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2022
Howlgalka ATMIS oo hub lagasoo furtay Alshabaab ku wareejiyay ciiiddanka xoogga dalka


Talaado, May, 3, 2022 (HOL) - Ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya ATMIS ayaa hub lagu soo qabtay howlgallo ka dhanka ah Al-Shabaab ku wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Hubka ayaa isugu jiray Qoryaha fudud, dhashiikeyaaal iyo rasaas, kuwaasoo ay soo furteen Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka ee ku sugan  Shabeellaha Hoose.

Ku-xigeenka Madaxa ATMIS, Marwo Fiona Lortan, ayaa hubkan ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS, Jen. Biixi.

"Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ATMIS waa in ay diiwaangeliyaan dhammaan hubka iyo agabka milatari ee lagu qabto weerarrada ama inta ay ku guda jiraan waajibaadkooda," ayay tiri Ms. Lortan, ku xigeenka ATMIS.

Waxa ay xustay in qabashada hubkan iyo wareejinta ay tahay guulo wax ku ool ah oo laga gaaray dadaallada lagu wiiqayo Al-Shabaab.

Taliyaha ciidddanka dhulka, Gen. Maxamed ayaa bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya ATMIS iyo SNA ee dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo ­­­xasilloonida dalka, ka hor inta aan mas’uuliyadda amniga lagu wareejin ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

“Wadashaqeynteenu waxay wiiqaysaa cadowga, waxayna dhiirri-gelinaysaa ciidamadeenna - ATMIS-ka iyo kuwa Nabadsugidda Soomaaliya," ayuu yiri Gen. Maxamed Biixi.­­

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]