4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2022
Wasiir Kaahin: Waxa la leeyahay madaxweynow adna korodhso anagana noo kordhi
 

Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay si sir ah xukuumada uga dalbadeen in madaxweynaha mudada loo kordhiyo, iyagana laga joojiyo furista urrurada siyaasada.

Wasiirka ayaa sheegay in madal markhaati leh ay axsaabta mucaaradku xukuumada kaga dalbadeen in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha iyo furista urrurada siyaasadaba, isaga oo sheegay in mucaaradku ay soo dirsadeen ergo fariintan sida.

"Wararka hoose een iyaga afkooda kasoo bixin iyo ergooyinka nooga yimid, waxa la leeyahay madaxweynow adna korodhso anagana noo kordhi, been maaha markhaatigeeda ayay leedahay, goleheeda ayay leedahay ragii yidhi ayay leedahay" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirku waxa uu sheegay in furista urruradu ay tahay waajib sharci, isla markaana uu Xeer Lr14 sheegayo in urrurada siyaasada la furo tobankii sannoba mar, isla markaana uu xisbiyada hada jira liisanku ka dhacayo bisha 26 December, 2022.

Kaahin ayaa sheegay in aan la joogin wakhti laga warwaro dib u dhaca doorashada madaxweynaha oo anay wali dhawayn.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online