4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2022
Ururka siyaasadeed ee Mideeye oo cambaareeyay xarig maamulka Puntland uu u geystay xubin katirsanaa ururkooda
 

Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Urur Siyaasadeedka Mideeye oo kamid ah ururada mucaaradka ee Puntland ayaa cambaareeyay xarig uu ku tilmamay mid sharci darro ah oo loo geystay Amiin Maxamuud Guuleed oo ka tirsan golaha dhexe ee Ururka Mideeye.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururka ayaa walaac looga muujiyay xaaladda bed qab ee maxbuuska, waxaana hay’adda xuquuqul insaanka Punland laga codsaday inay baaritaan ku sameyso daruufaha ku xeeran Aamiin Guuleed.

Ururka Mideeye wuxuu sheegay in xarriga Aamiin Guuleed uu ka hor imaanayo dastuurka Puntland oo sheegaya inaan cidina loo xiri karin loona caburin Karin inay soo bandhigto fikradaheeda.

24 saac kadib xarrigiisa maamulka Puntland marnaba ma uusan ka hadlin sababta lagu xiray iyo dambiyada loo haysto, balse  warqad lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in xarrigiisa ay fasaxday maxkamadda darajada 1aad ee Garowe.


Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]