4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2022
Wasiir Kaahin: Arrintaa ilaa laga wada Hadlayo cidii tidhaa mudaharaad ayaan qabanaya waa qayru sharci
 

Sabti, May, 28, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in warqada ay mucaaradku ku dalbadeen mudaharaadka, anay u dhamaystirnayn shuruudihii looga baahnaa, sida in lagu xuso sababta, goobta iyo wakhtiga la qabanayo mudaharaadka.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dastuurku uu u ogolaanayo in xisbiyadu ay mudaharaad qabsadaan, lakiin anay waraaqda codsiga mudaharaadka sidin masuuliyiintii soo qoray oo ahayd in ay iyagu yimaadaan si habka mudaharaadku uu u dhacayo looga wada tashado.

"Marka kowaad dastuurka qaranka Somaliland ayaa ogolaanaya mudaharaadka, warqadaasi markay ii timid waxaa siday saddex xubnood oo saddexda xisbi ka socda, may sidin masuuliyiintii soo qoray, oo ay ahayd in aanu halkan kaga wadahadalo oo aanu iswaydiino asbaabaha iyo sababaha, iyo arrimaha kale ee howlaha nabadgalyada la xidhiidha" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa sidookale sheegay in codsiga aan lagu caddayn, ujeedada mudaharaadka loo qabanayo, goobta uu ka dhacayo iyo taariikhda uu mudaharaadku dhacayo.

"Qaynuunku wuxuu qoraya marka ugu horaysa in la caddeeyo ujeedada mudaharaadka loo dhigayo, mar labaadka wuxuu qorayaa in la caddeeyo goobaha lagu qabanayo, mar saddexaadka waa in lagu qoraa taariikhda uu dhacayo" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in codsiyada mudaharaadka si faah faahsan loogu caddeeyo dhamaan qodobada uu waajibinayo xeerka maamulka nidaamka dadwaynaha, waxa uu sheegay in ay jiraan goobo mudaharaadka lagu qaban karo iyo goobo ka caagan, sida suuqyada ganacsiga iyo agagaarka isbitaalada.

Waxa uu inta raaciyay in uu ka war sugayo madaxda axsaabta mucaaradka, oo uu doonayo in ay isu yimaadaan, si meel layskula dhigo nidaamka iyo qorshaha mudaharaadka isaga oo sheegay in aanu wax mudaharaad ahi dhici karin inta ka horaysa "Arrinta ilaa laga wada hadlo cidii tidhaahda mudaharaad ayaan qabanaya waxaan u sheegay in uu yahay qayru sharci".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online