4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2022
Puntland oo xirtay nin dhallinyaro ah oo qeyb ka ahaa olole looga soo horjeedo dhoofinta dhirta
 

Sabti, May, 28, 2022 (HOL) - Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Puntland (PIS) ayaa xirtay Aamiin Maxamuud Guuleed oo ahaa xubin katirsan urur siyaasadeedka mucaaradka ah ee Mideeye.

Warar ayaa sheegaya in markii hore lagu xiray saldhigga booliiska Garowe, kadibna ay kala baxeen saraakiil ka socotay hay’adda nabad sugida Puntland, kuwaas oo aan illaa iyo hadda la ogayn meel ay la’aadeen.

Aamiin waxa uu qeyb ka ahaa olole looga soo horjeeday dhoofinta dhirta loo yaqaano Geed Quwaaxa, arrintaas oo keentay in lagu eedeeyo masuuliyiin katirsan Puntalnd inay dalka dibaddiisa u dhoofiyeen dhir badan.

Dhowaan, waxay isaga iyo koox dhallinyaro ah ku guulaysteen in caddaalada looga yeero shaqsiyaad katirsan maamulka Puntland oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin dhoofinta dhirta loo yaqaano Geed Quwaaxa.

Wuxuu sheegay in madaxeyne Deni uu faro galin ku sameeyay masuuliyiin maxkamaduhu Waaran usoo jareen si loo xiro, kuwaas oo ku eedeysan inay dhirta dhoofin jireen.

Aamiin Guuleed ayaa horey marar badan loo xiray, sababo la xiriira isagoo faceboogiisa kusoo qora warar xogo hoose ah oo uusan jeclayn maamulka Puntland.

Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa la filayaa inuu goor dhowr war kasoo saaro xarriga xubin katirsan ururkooda.



Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online