4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2022
Jigjiga : Xisbiyada Mucaaradka ah ee ONLF iyo FEP oo ka hadlay xaaladda Sicir bararka ee ka jirta degaanka Soomaalida

Sabti, May, 28, 2022 (HOL) - Warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen Xisbiyada mucaaradka ee degaanka Soomaalida, ayay kaga hadleen xaaladda Sicir bararka ee maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay guud ahaan dowlad degaanka Soomaalida.

Ugu horreyn waxay xisbiyadani ka hadleen in shirkii maanta Xukuumaddu ay isugu yeedhay bulshada qaybaheeda kala duwan iyo Xisbiyada, inaysan iyagu ka xisbi ahaan aysan ka qayb galin shirkaas, waxayna War saxaafadeedkooda ku xuseen in loo diiday Warbaahintooda inay shirka ka qayb galaan, waa siday hadalka u dhigeen Axsaabta mucaaradku.

Xisbiyadu waxa kale oo ay sheegeen in Xukuumadda haatan degaanka Soomaalida ka talisa ay ku fashilantay waxa ay ugu yeereen xal u raadinta Sicir bararka, iyo xakamaynta Sicir bararka iyagoo xusay inaysan xukuumaddu qayb ka noqon karin xal u raadinta arrinta Sicir bararka, waa siday ku sheegeen War saxaafadeedkooda.

Ugu dambayn waxay Xisbiyada mucaaradku farta ku gudeen sababta Warbaahinta Xisbiyada mucaaradka loogu diiday inay shirka galaan, oo ay ku sheegeen inay xukuumaddu qarinayso doodaha xisbiyasada iyo aragtiyaha dadwaynaha shirka kasoo qayb galay, waa siday ku xuseen War saxaafadeedka ay si wada jir ah usoo saareen xisbiyada ONLF, iyo FEP .

Isu soo duuboo, War saxaafadeedkan ayaa kusoo hagaagaya xilli maanta Xukuumaddu ay shir isugu yeedhay dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan, shirkaas oo ahaa mid lagaga halayay xaaladaha degaanku ku sugan yahay, gaar ahaan Abaarta iyo Sicir barar.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]