4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2022
Ku dhowaad 20,000 arday oo maanta u farriistay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland
 

Sabti, May, 28, 2022 (HOL) - ku dhawaad 20,000 oo arday oo ku nool deegaannada Puntland ayaa saaka u firiisatay imtixaanka guud ee shahaadiga ah ee dugsiyadda dhexe iyo dugsiyadda sare.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash, ayaa imtixaanka daahfuray, isagoo mustaqbal wanaagsan u rajeeyay kumanaanka arday ee maanta imtixaanka u fariistay.

Axmed Karaash ayaa sheegay inay Puntland ka go'antahay inay muhiimad gaar ah siiso waxbarashada, isagoo tusaale usoo qaatay oraahda ku saabsan, in dal walba horumarkiisa uu ku xidhan yahay heerka  aqoonta dadkiisa.

“Waxaan u mahadcelinayaa  guud ahaan bahda Wasaarada  Waxbarashada Puntland oo runtii marwalba heegan u ah inay horumariyaan  waxbarashada iyo manaahiijta Puntland, Anigoo og in duruufo badan ay jiraan hadana marwalba heegan ugu jira sidii waxbarashadeenu  u sugnaan  lahayd,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenku

Imtixaanka shahaadiga ee Puntland waxaa u fariistay tiro dhan 18550 arday oo isugu jira Fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo Fasalka 4-aad ee dugsiga Sare. Waxay ku galayaan 136 goobood, waxaana ilaaliyaal ah ka ah 948 Macalin iyo 189 hawl-wadeen.

Puntland, waa maamulka kaliya ee aanan ka qeyb galin imtixaanka midaysan ee dowladda federalka Soomaaliya ay qaado, waxaana arrintaas ka dhashay khilaafaad sababay in shahaadada loo diido ardayda Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]