4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2022
Sheekh Cali Warsame oo ka mid ahaa Culimada Soomaaliyeed oo ku geeriyooday wadanka Urdun

Sabti, May, 28, 2022 (HOL) - Waxaa wadanka Urdun ku geeriyooday Allah u naxariiste Sheekh Cali Warsame oo ka mid ahaa Culimada Soomaaliyeed ee caanka ah.

Allah u naxariiste Sheekh Cali ayaa soo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Ururkii Al-Itixaad oo la aasaasay horraantii sanadkii 1980-kii.

Marxuum Sheekh Cali Warsame ayaa la sheegay inuu maalmahii dambe ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaala wadanka Urdun waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, siyaasiyiin iyo dad shacab ah.

Sheekh Cali Warsame ayaa muddo dheer ku jiray dacwada iyo fidinta Diinta Islaamka, kaasoo dhowr jeer la xiray intii uu ku guda jiray fidinta dacwada Diinta.

Waxyaabaha lagu xasuusto Sheekh Cali Allah u naxariiste waxaa ka mid ahaa inuu diidana fikirkii hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Godane, isagoona marar badan  cambaareeyay falalka ay geystaan Al-shabaab, marxuum Sheekh Cali ayaa la tilmaamay in sanadihii ugu dambeeyay uu xubin ka ahaa Ururkaa Al-ictisaam Bil Kitaab Wal Sunna.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online