4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2022
Kenya oo loogu baaqay inay furto xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Sabti, May, 28, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallin, ayaa ku baaqay in dib loo furo xadka Kenya iyo Soomaaliya ee ismaamulada Wajeer iyo Mandheera si loo fududeeyo ganacsiga isaga gudba xuduudka labada dal.

Dowladda kenya ayaa xirtay xuduudka ku dhawaad ​​afar sano ka hor, iyadoo tani ay qeyb ka tahay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Marka laga soo tago amniga, waxaa sidoo kale jiray walaac ku saabsan ka ganacsiga maandooriyaha iyo ka ganacsiga alaabaha been abuurka ah ee isaga kala gudba xuduudaha labada dal.

Macallin oo u tartamaya Kursiga Deegaanka Dhadhaab ee Doorashada Guud ee soo socota ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego go’aankaas oo la ogolaado ganacsiga xudduudaha isaga gudba iyo in la sameeyo xafiisyo canshuuraha laga qaado deegaannada xuduudka.

Xildhibaankii hore ayaa sheegay in furitaanka xuduudka uu ka caawin doono is dhexgalka Geeska Afrika, sidaas darteedna ay muhiim u tahay dhaqaalaha dalka Kenyan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]