4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 26, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo magacaabay la taliyayaal cusub
 

Khamiis, May, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Lataliyeyaal kala shaqeyndoona dhinacyada kala ah, sharciga, dhaqaalaha iyo siyaasada iyo xiriirka barlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Ibraahim Eidle Sulayman oo ahaa guddoomiyihii hore maxkamadda sare ee Soomaaliya u magacaabay La taliyihiisa gaarka ah dhinaca sharciga.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa Zakaria Hassan Ali (Gaashaan) u magacaabay la taliyihiisa Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlaamaanka. Halka Hassan Adam Hosow uu u magacaabay Lataliyihisa dhinaca Dhaqaalaha.

La taliyayaashan la magacaabay ayaa soo qabtay xilal sarsare oo Hay’adaha dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale oo muhiim ah, waxayna khibrad wanaagsan u leeyihiin howlaha loo igmaday, sida lagu sheegay war madaxtooyada kasoo baxay.

Tan iyo markii madaxweynuhu xafiiska fadhiistay waxaa uu sameeyay magacaabis u badan la taliyayaashiisa, balse magacaabidda ugu weynayd ee uu sameeyo waxay ahayd agaasimaha NISA oo uu u magacaabay Mahad Salaad oo kamid ah saaxiibadiisa dhow ee horey ulasoo shaqeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa laga filayaa inuu maalmaha soo socdo isbeddel ku sameeyo taliyayaasha hay’addaha amniga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]