4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 26, 2022
Xildhibaan Mahad Salaad oo loo magacaabay agaasimaha hay'adda nabad sugida ee NISA
 

Khamiis, May, 26, 2022 (HOL) - Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa meel mariyay agaasimaha cusub ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo loo magacaabay xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Warsaxaafaddeed kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in magacaabidda agaasimaha nabad sugida ay ahayd soo jeedin katimid wasiirka amniga Soomaaliya.

Mahad Salaad ayaa sidaas ku waayay xubintii xildhibaanimo ee golaha barlamaanka, maadaama dastuurka Soomaaliya uusan ogolaanayn in qof katirsan barlamaanka uu qabto xil aan ka ahayn wasiir.

Agaasimaha nabad sugida ayaa kamid ahaa masuuliyiintii ku eedeeynayay hay’adda NISA inay ka dambeyso dilkii Ikraan Tahliil Warsame.

Lama oga waxa ay magacaabidiisa ka beddeli karto in la helo ciddii ka dambeysay dilka Ikraan Tahliil oo kadibna caddaalada la horkeeno.

Mahad Salaad wuxuu kamid yahay saaxiibada dhow ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuuna ahaa xidlhibaannadii mucaaradka ugu adag ku ahaa dowladdii madaxweyne Farmaajo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]