4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 26, 2022
Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay 286,650 qiyaasood oo ah tallaalka COVID-19
 

Khamiis, May, 26, 2022 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqday inay magaalada Muqdisho geysay 286,650 dhibcood oo dheeri ah oo tallaalka Pfizer ee loogu talo galay COVID-19.

Shixnaddan ayaa qayb ka mid ah ballanqaadka Maraykanka uu kaga jawaabayo dadaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo COVID-19, isagoo u maraya qaybinta tallaalka COVAX.

Sida uu sheegay madaxweyne Biden, Mareykanka waxaa ka go'an dadaallada tallaalka caalamiga ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarida masiibada Covid19.

Maraykanku wuxuu ballan qaaday inuu bixiyo 1.1 bilyan oo tallaalka COVID-19 adduunka oo dhan ah. Ilaa hadda, Maraykanku waxa uu in ka badan 500 milyan oo qiyaasood oo tallaal ah gaadhsiiyey in ka badan 115 waddan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]