4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2022
Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo isku gacan qaaday
 

Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa gacanta iskula tagay kadib khilaaf ka dhashay ansixinta xubnaha guddida diwaangalinta iyo ansixinta urrurada siyaasada.

Xildhibaannada gacanta iskula tagay oo ka kala tirsan saddexda xisbi ee Somaliland, ayaa si wayn ugu kala aragti duwan furista urrurada siyaasada, waxaana jira xildhibaano taageersan iyo kuwo kasoo horjeeda, taasi oo sababtay in uu dagaal ka dhasho guddida diwaangalinta urrurada oo madaxweynuhu u gudbiyay golaha.

Khilaafka ka sakow golaha ayaa cod u qaaday xubnaha guddidan oo ka kooban 7 xubnoo, waxaana la ansixiyay 5 xubnood oo kamid ah, halka 2 kamid ahi anay helin codka kalsoonida mudanayaasha, xubinta hesha kalsoonida 42 xildhibaan ayaa ansaxaysay.

"7 xubnood ayay guddidu ka koobnayd sharciyan waxaa ansaxay 5 xubnood, labana way waayeen codkii kalsoonida mudanayaasha" sida waxaa yidhi Mustafe Khayre oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, oo waraysi siiyay HCTV.

Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland ayaa aad iskugu khilaafsan furista urrurada siyaasada ee wakhtigan, khilaafkaasi oo sameeyay xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online