3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 18, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
 

Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta magaalada Muqdisho kulan la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka dhexmaray madaxweyne Xasan iyo James Swan ayaa ahaa mid is xogwareysi ah, islamarkaana lagu gorfeeyay sida ugu wanaagsan oo ay Qaramada Midoobay usii wadi karto oo ay u kordhin laheyd taageerada ay siiso dowlada Fedaraalka Soomaaliya.

"Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa, waxa ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo saacadahii lasoo dhaafay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo kala duwan ka waday magaalada Muqdisho, isagoona maanta kulan la qaatay Safiiro ka socda dalalka carabta oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
5/18/2022 7:21 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu siiyay wareysigiisii ugu horeeyay ee heer caalami ah ayaa sheegay tageerada uu Turkiga ka geysto Soomaaliya in ay tahay mid taabatay quluubta shacabka Soomaaliyeed.

5/18/2022 7:21 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Xuska maalintii ay Somaliland ka noqotay midowgii lagu dhisay Jamhuuriyadii Soomaalida ee 18 May, ayaa si wayn looga xusay gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

5/18/2022 5:22 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay xuska munaasibada madaxbannaanida Somaliland ee 18 May, ayaa sheegay in Somaliland anay dowlada Soomaaliya wax garowshiyo ah ka helin 31 sanno kadib.

5/18/2022 5:02 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa shidaal yarida degaanka ka jirta ku tilmaamay mid ay sababteeda leeyihiin dad ganacsato ah oo shidaalkii degaanku helayay sii dhaafinaya degaanka, sidoo kalena ku iibinaya suuqa madow.

5/18/2022 2:23 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inuu dib u heshiisiin ka billaabayo gobolka Gedo, isagoo la kaashanaya dowladda cusub ee Soomaaliya ka dhalatay.

5/18/2022 2:13 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Xubno ka tirsan dagaamayahanada Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

5/18/2022 1:49 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku tilmaamay qofkii ugu mudnaa ee loo doortay madaxweynaha dalka Soomaaliya hoggaamin kara.