8/18/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 18, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: Turkiga waxa uu taabtay maskaxda iyo quluubta Soomaalida
 

Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu siiyay wareysigiisii ugu horeeyay ee heer caalami ah ayaa sheegay tageerada uu Turkiga ka geysto Soomaaliya in ay tahay mid taabatay quluubta shacabka Soomaaliyeed.

“Sida aan sheegay shacabka Turkiga iyo dowladda Turkiga waxay saameyn weyn ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, taageerada Turkiga waxay taabatay quluubta iyo maskaxda shacabka Soomaaliyeed, taageeradaasi waxay ahayd mid muuqata oo la taaban karo, waxayna badbaadisay naf badan oo Soomaaliyeed. ” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sheegay in Turkiga uu taageero dib udhiska ciidamada qalabka sida iyo arrimaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

Turkigu ayaa sheegay inuu sii wadi doono garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya si dalka looga hirgeliyo amni, xasillooni iyo barwaaqo xilligaan cusub.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]  












Click here
5/18/2022 10:31 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta magaalada Muqdisho kulan la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

5/18/2022 7:21 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Xuska maalintii ay Somaliland ka noqotay midowgii lagu dhisay Jamhuuriyadii Soomaalida ee 18 May, ayaa si wayn looga xusay gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

5/18/2022 5:22 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay xuska munaasibada madaxbannaanida Somaliland ee 18 May, ayaa sheegay in Somaliland anay dowlada Soomaaliya wax garowshiyo ah ka helin 31 sanno kadib.

5/18/2022 5:02 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa shidaal yarida degaanka ka jirta ku tilmaamay mid ay sababteeda leeyihiin dad ganacsato ah oo shidaalkii degaanku helayay sii dhaafinaya degaanka, sidoo kalena ku iibinaya suuqa madow.

5/18/2022 2:23 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inuu dib u heshiisiin ka billaabayo gobolka Gedo, isagoo la kaashanaya dowladda cusub ee Soomaaliya ka dhalatay.

5/18/2022 2:13 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Xubno ka tirsan dagaamayahanada Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

5/18/2022 1:49 AM EST
Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku tilmaamay qofkii ugu mudnaa ee loo doortay madaxweynaha dalka Soomaaliya hoggaamin kara.