4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 18, 2022
Xuska munaasibada 18 May oo laga xusay Somaliland
 

Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Xuska maalintii ay Somaliland ka noqotay midowgii lagu dhisay Jamhuuriyadii Soomaalida ee 18 May, ayaa si wayn looga xusay gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Kumanaan dhalinyaro, dumar iyo waayeel reer Somaliland ah, ayaa subixii hore ee Arbacada iskugu soo baxay fagaarahayaasha loo asteeyay in loogu dabaal dago munaasibadan. Ciidamada kala duwan, shirkadaha, dugsiyada waxbadarashada, ururrada bulshada iyo dadyow kale oo is abaabulay ayaa socod ku maray wadada wadanaha ee magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo saraakiil kale, ayaa bulshada kula dabaal dagay Hargaysa, madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay waxa sababay in Somaliland ay ka noqoto midowgii, isagoo sheegay in cadaalad daro iyo cadaadis ay shacabka Somaliland kala kulmeen midowgii.

"Markii ay Somaliland tidhi shuruud la'aan ayaanu idinkula midownay, waxay yidhaahdeen madaxweynaha koonfur baa leh, ra'iisal wasaarahana anaga ayaa leh, wasiirka arrimaha dibadda anaga ayaa leh, wasiirka arrimaha gudahan-na anaga ayaa leh, wasiirka maaliyadana anaga ayaa leh, caasimadu waa Xamar, dekeddu waa Xamar, labadaba taliye ciidan anaga leh" ayuu yidhi madaxweyne Biixi. Waxa uu sheegay in Somaliland la siiyay 3 wasiir oo kali ah.

Madaxweynaha ayaa xusay in 30 kii sanno ee ay jirtay dowladii Soomaalidu laga faa'iiday burbur iyo isnac, waxa oo uu sheegay in marka laga yimaado dagaalkii u dhexeeyay SNM iyo dowladii Kacaanka, dhibaatooyinka Somaliland soo gaadhay ay kamid ahaayeen labadii dagaal ee lala galay Itoobiya oo si gaara saamayn taban ugu yeeshay Somaliland.

Gobolada kale ee Somaliland iyo degmooyinka ayaa sidookale looga dabaal dagay munaasibada. Munaasibadan ayaa aad uga balaadhnayd munaasibadihii hore iyadoo dabaal degyadu ay bilaabmeen ku dhawaad 10 cisho kahor 18 May.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online