3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2022
Raysal wasaaraha Itoobiya oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
 

Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha dalka Itoobiya, Aby Ahmed Ali ayaa qoraal uu bartiisa twitterka soo dhigay ugu hambalyeey madaxweynaha cusub ee dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xalay ku guulaystay xilka madaxwyenaha 10-aad ee dalka, kadib  doorasho wareegga saddexaad ay isla soo gaareen madaxweynaha hadda xafiiska jooga ee Farmaajo.

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Aby Ahmed ayaa sheegay inuu rajeynayo in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay si dhow uga wada shaqeeyaan danaha labada dhinac iyo kuwa gobolka.

Itoobiya ayaa saaxiib dhow la ahayd madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa maanta hambalyo kala duwan ka helaya dowladdaha iyo ururada caalamiga ah ee daneeya Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]  












Click here
5/16/2022 3:36 PM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Xafiiska bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doorashada loo doortay madaxwaynihii tobnaad ee dowladda federalka Soomaaliya.

5/16/2022 1:52 PM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya, ayaa farriin hambalyo ah waxay u direen Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya ee xalay la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

5/16/2022 9:59 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa Maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyay.

5/16/2022 8:58 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa maanta soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo xafiiska la wareegaya kadib bilo ay Soomaaliya ku jirtay xasillooni darro siyaasadeed.

5/16/2022 7:38 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland oo ku guda jirta qaban qaabada munaasibada 18 May, oo ah maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay gaar iskaga taagtay Soomaaliyada kale, ayaa xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay gaar ugu dabaal dagaan maalintan.

5/16/2022 7:10 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, isla markaana wuxuu ka codsaday in uu fuliyo go'aamadii kasoo baxay wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

5/16/2022 6:41 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Saraakiisha ugu saraysa Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa ka digay banaanbaxyada uu balanqaaday xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxayna sheegeen in aanay ogolaanayn wax nabadgalyada wax yeelaya.

5/16/2022 5:30 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kadib muddo ka badan 24 saac ah oo lagusoo rogay Bandow la xiriiray arrimaha doorashada madaxweynaha.

5/16/2022 4:32 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya oo Xalay loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

5/16/2022 2:21 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - In ka badan 30 saacadood oo ay xaalad bandow ah ku jirtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo ay ka socotay doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, waxaa saaka dib u furmay dhaqdhaqaaqyadii kala duwana ee bulshada ku dhaqan Muqdisho.

5/16/2022 2:16 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, oo doorashadii Soomaaliya kaddib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu u hambalyeeyay Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.