4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Natiijada Wareega koowaad ee Doorashada Madaxweynaha oo la shaaciyay
 

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboobay tirinta natiijada codadka wareega koowaad ee tartanka doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

In ka badan 30 Musharax ayaa ku tartantay wareega koowaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxaana wareega koowaad noqday afarta Musharax ee ugu horeysa tartanka Musharaxiinta kala ah Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre.

Afarta musharax ee ugu codadka badan, islamarkaana u gudbaya wareega labaad ee tartanka ayaa kala ah Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 59 Cod, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna helay 52 Cod, halka Xasan Cali Kheyre uu isna helay 47 Cod.

Wareega koowaad ee tartanka doorashada madaxweynaha waxa ku haray Musharaxiin caan ah oo ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo helay wareegii koowaad 39 cod iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo helay 15 cod.


Musharaxiinta kale ee waeeega koowaad ku haray waxaa ka mid ah Cabdullaahi Axmed Cadow Cali Gees oo helay 8 cod, Cabduqaadir Cosoble oo helay 12 cod, Bashiir Xaaji oo helay 2 cod, Ablaal 2 cod, Cabdinuur Sheekh 2 cod, halka Musharaxiinta kala ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Axmed Ducale Geelle Xaaf, Fowsiya Xaaji iyo Taabid Cabdi Maxamed ay wada helay min hal cod kaliya, waxaana halaabay codad ku dhaw 15 cod, waxaana xusid mudan in musharaxiin badan aysan helin wax cod ah.

Wareega labaad ee tartanka doorashada madaxweynaha waxaa u gudbaya afarta musharax ee ugu codadka badan oo kala ah Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha shaxabka Sheekh Aadan Madoobe, waxaa goordhaw bilaabanaya wareega labaad ee tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online