4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 14, 2022
Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo sigaara ugu dabaal dagaya munaasibada 18 May
 

Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku dhawaaqay in ay si gaar ah ugu dabaal dagi doonaan munaasibada 18 May, waxayna sheegeen in anay tagi doonin fagaaraha uu madaxweyne Biixi kaga qayb galayo munaasibada.

"Waxan aanu ka hadlayno ee aanu ka cabanayno, ee dhalinyaradu usoo baxayso, ee dadku hadal hayaan, ee mucaaradku diidanyihiin waxa weeyaan, madaxweyne 5 tiisii sanno dhamaatay, oo doonaya in uu sii fadhiyo, haduu na ixtiraami waayay oo uu na arki waayay anaguna halkuu joogo ugu tagi mayno, 18 May gaar baanu u qabsanaynaa", waxa sidaa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Gudddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isna sheegay in madaxweyne Biixi uu doonayo in uu baabiiyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, waxaanu sheegay in aanu ogolaanayn in la qabto doorashada ururrada siyaasada.

"In aan aniga iyo Cabdiraxmaan labadayada baabiisid, oo tidhaa waan baabiinayaa ana waan joogayaa kuu suuragali mayso, Ina Koore-na waxaan leeyahay, urrurada aad sheegaysid Hargaysa iyo halkaan joogo ka dhici mayse ...18 May waxaanu u saaraynaa guddi gaar ah" ayuu yidhi Faysal.

Xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ayaa marar kala duwan si kala gaar ugu dabaal dagay munaasibada 18 May xurgufo ka dhexeeyay awgood.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online