4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 14, 2022
Guddoonka labada aqalka ee barlamaanka oo kulan ku saabsan amniga doorashada la yeeshay saraakiisha loo xilsaaray

Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeeshay gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa saraakiisha lagu faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashadu ku dhacdo si nabdoon.

Si kastaba ha ahaatee, maalin kaliya ayaa ka harsan tahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah mid aad loo wada sugayo, si uu dalka u yeesho madaxweyne rasmi ah oo barlamaanku doorto.

Waxaa aad loo adkeeyay amniga Muqdisho, iyadoo caawa magaalada oo idil lagu soo rogidoono Bandow saarnaan doona in ka badan 24 saac, sida lagu sheegay awaamiir kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]