4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 14, 2022
Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud oo Shalay dagaalo xoogan ka dhaceen
 

Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta degan xaalada magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamul goboleedka Galmudug oo shalay dagaalo xoogan ay ku dhaxemareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca.

Dagaalka shalay ka dhacay Dhuusamareeb ayaa geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab, hayeeshee lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee dagaalkaasi ku dhimatay.

Qoysaskii daganaa xaafadaha magaalada Dhuusamareeb ayaa intooda badan isaga barakacay gudaha magaaladaasi si ay uga nabad galaan dirirta u dhaxeysa Ahlusunna iyo ciidamada dowladda, waxaana haatan magaalada Dhuusamareeb si buuxda gacanta ugu haayo maamulka Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sidoo kale sheegaya in haatan xoogaga Ahlusunna ay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Sangoy oo u dhow magaalada Dhuusamareeb, waxaana mar walba la filan karaa in dib u qarxo dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca.

Bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dagaalyahanada Ahlusunna dagaal xoogan kula wareegeen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo mudo dhowr maalmood ah ay ku sugnayeen, walow markii dambe looga saaray awood dagaal.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online