4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2022
Wariyaasha madaxa banaan oo ka hadlay sababtii Maanta loogu diiday iney galaan hoolka doorashada madaxweynaha

Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Wariyaasha madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in loo diiday Maanta iney gudaha u galaan hoolka loogu talo galay in lagu qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay Maanta ka socotay hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee dalka.

Wariyaasha ayaa guddiga doorashada madaxweynaha ku eedeeyay iney ka hor istaageen soo tabinta khudbahada ay jeedinayaan Musharaxiinta madaxweynaha, iyagoona tilmaamay in guddiga ay ku xad gudbeen heshiiskii 17-kii Septembar oo ay ku cadeed in saxaafada madaxa banaan ay qeyb ka noqdaan howlaha tabinta doorashooyinka dalka.

"Waxa gudaha Afisyooni ka socda waxba kama ogin oo waa naloo diiday inaan gudaha galno oo soo tabino sida ay wax u socdaan, waxaana gudaha loo ogolaaday Tv-ga qaranka oo kaliya dhamaan saxaafada madaxa banaan hoolka doorashada waa loo diiday, waxaana guddiga doorashada ay ku xadgudbeen heshiiskii 17-ka Septembar oo saxaafada madaxa banaan loogu ogolaaday iney soo tabiso doorashada dalka" ayuu yiri mid ka mid ah wariyaasha madaxa banaan.

Xoghayaha Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed SJS Cabdalla Muumin oo dhankiisa ka hadlay wariyaasha maanta loo diiday iney gudaha u galaan hoolka doorashada ayaa sheegay in nasiib daro weyn ay tahay in wariyaasha loo diido soo tabinta hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha.

"Warbaahinta madaxa banan saakay albaabka ayaa laga xirtay oo waxaa loo diidey iney galaan gudaha hoolka doorashada inay kaso tabiyaan hadal jeedinta musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo maray dhaman wixi sharudaho aha sida baaritanka isdiiwan galinta, waxana arinkaasi ka dembeyay xubno ka tirsan gudiga doorashada ee labada Aqal oo waliba ay ka mid yihiin rag aqoonyahano ah" ayuu yiri Xoghaye Cabdalla Muumin.

Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed SJS Cabdalla Muumin ayaa sidoo kale sheegay in guddiga doorashada ay 9-kii bishaan soo saareen warqad ay ku sheegayaan in saxaafada hool gaar ah oo kaamorooyin lagu xiray la geyn doono, islamarkaana wadahadalo ay arintaasi kala yeesheen guddiga ay ku ogolaadeen in wariyaasha loo gudbiyo hoolka doorashada, hayeeshe waxuu sheegay in saaka si cad ayaa loogu diiday wariyaasha madaxa banaan iney gudaha galaan.

"Maanta iyo beri waxaa soconaya hadal jeedinta Musharaxinta Madaxweynaha oo ay daneynayaan shacabka Soomaaliyeed iney saxaafada madaxa banaan kala socdaan sida ay u soo tabinayaan hadalada Musharaxiinta madaxweynaha oo aragtiyo kala duwan leh, wariyaasha madaxa banaan kuma filno muqalada  yaryar ay duubayaan Tv-ga qaranka iyo shirkad kale uu leeyahay Taliyahii hore ee NISA Fahad Yaasiin, marka saxaafada madaxa banaan dhamaan musharaxiinta si isku mid ah ayay ugu adeegeysa waana in loo ogolaada soo tabinta arimaha doorashada" ayuu yiri Cabdalla Muumin.

Gabagabadii Wariyaasha madaxa banaan ayaa guddoomiyaha Golaha shacabka waxay ugu baaqeen inuu soo faragliyo caqabada wariyaasha ka haysato soo tabinta doorashada madaxweynaha, maadama uu isaga haatan yahay masuulka ugu sareeya dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online