3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2022
Gudddoonka barlamaanka Soomaaliya oo soo saaray awaamiir ku aadan amniga doorashada madaxweynaha
 

Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddoonka barlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray awaamiir lagu xoojinayo amniga goobta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamada loo xilsaaray masuuliyadda amniga doorashada.

Guddoonka barlamaamka ayaa waxa uu si cad u sheegay inay ciidamada ATMIS masuul ka yihiin amniga teendhada Afisyooni ee doorashadu ka dhacayso, waxaana ciidamada xoogga dalka ee deggen teendhada la faray inay si kumeel gaar ah uga guuraan, kuna wareejiyaan ATMIS.

Dhinac kale, dhammaan musharraxiinta madaxweynaha ayaa sida awaamiirtu sheegayso laga mamnuucay inay hub la galaan xarunta doorashada, waxaana loo sheegay in amnigooda ay masuul ka yihiin booliiska ATMIS.

Waxaa sidoo kale guddoonka barlamaanku uu sheegay in madaxweynaha la doorto ay amnigiisa la wareegidoonaan ciidamada ATMIS, kuwaas oo geyndoona meel gaar ah oo loogu talo galay in amnigeeda lagu ilaaliyo. 


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/10/2022 12:10 PM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa Galabta soo gabagabeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya oo socotay sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay.

5/10/2022 11:38 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in aanu diyaar u ahayn in uu qabto doorashooyinka mudaysan dabayaaqada sannadkan.

5/10/2022 9:42 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Maanta kormeer ku tagay xarunta lagu qabanayo doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maalinta berito ah ay ka bilaabaneyso hadal jeedinta musharaxiinta madaxweynaha.

5/10/2022 9:17 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay guddi 5 qof ka kooban, oo baadhis ku samayn doonta khilaafka maamul ee ka dhexeeya Guddida Doorashooyinka Somaliland.

5/10/2022 7:22 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay horumarka laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada madaxweynaha.

5/10/2022 7:17 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Howgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay, iyagoo la tashanaya guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya inay xoojinayaan amniga xerada Afisyooni , halkaas oo ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha dalka.

5/10/2022 2:43 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Xalay fiidkii hore lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

5/10/2022 1:20 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in diiwaan galinta musharraxiinta madaxweynaha ay ku egtahay maanta oo tallaado ah, gaar ahaan afarta galabnimo.

5/10/2022 1:13 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka loogu jiro xilka madaxweynaha Soomaaliya.

5/10/2022 1:12 AM EST
Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in aanu daacad ka ahayn qabashada doorashada madaxtooyada.